Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya nin dabley ah oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda uu la qof toogasho ku dilay.
Ninkan askariga ah ayaa weerar ku qaaday dad ku sugnaa Goob ganacsi oo ku taalla xaafadda Sey Biyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu rasaas ku furay, waxaana goobta ku geeriyooday laba qof oo shacab ah oo midkood uu aha wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay C/shakuur Maxamed Ibrahim.
Ciidamada Amniga ayaa tegay goobta dilku ka dhacay, waxayna ka qaadeen goobta meydadkii oo la gaarsiiyey Xarunta CID-da, iyadoo aan la ogeyn sababta dhalisay dilkan bareerka ah, waxaana baxsaday askariga dilka geystay.

Waxaa si weyn u kordhaya dilalka ay ciidamada dowladda u geystaan dadka shacabka ah ee magaalada Muqdisho.