Saturday, June 28, 2025

FAAHFAAHIN: Laba wiil oo Dhalinyaro ah & Oday siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dilal kala duwan oo ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in Xaafadda Sey Biano ee degmada Hodan toogasho lagu dilay wiil dhalinyarro ah, kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen, wiilka dhalinyarada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Garaad Yaasiin, isagoo u shaqeynayey mid ka mid ah Shirkaddaha Daabacaadda Boorarka.

Kooxda dilka u geysatay Garaad Yaasiin ayaa la sheegay inay ka qaateen Taleefankiisa gacanta. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka ay ka danbeeyeen koox burcad ah oo dooneysay inay ka qaataan Taleefankiisa gacanta.

Dhinaca kale nin oday ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Macallin ayaa galabta lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha, isagoo ka soo baxay masjid, kuna sii socday xarun uu waardiye ka ahaa.

Fal kale oo dil ah ayaa isla maanta ka dhacay xaafadda laba dhagax ee degmada Wardhiigley, magaalada Muqdisho, iyadoo wiil kale oo dhalinyaro ah lagu dilay ay koox hubeysan toogteen, kadiba baxsadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON