Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin laga bixiyay Gaarigii Ciidamada ATMIS ee ku Qarxay Isgoyska KM 4 iyo Qasaaraha

Faahfaahin dheeraaad ah ayaa la helay qarax qabsaday gaari a leeyihiin ciidmaada Midowga Afrika ee ATMIS, kaasoo ku qarxay agagaarkaa xarunta CID-da ee Isgoyska Km4.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay inuu qaraxa ka dhashay Gari noociisu yahay James ee xamuulka ah oo ciidamada ATMIS wateen, wuxuuna qoraalka Booliska u o qornaa sidatan:

“Maanta 03/Apr/2023, abaare 14:00 Duhurnimo, ayaa KM4 wadada aada Tarabunka, gaar ahaan agagaarka Xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa qarax ka dhashay gaari nuuciisu yahay JAMES oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo Ciidanka AMTMIS qeybtooda Burundi.

Qarax ka dhashay ayaa sababay dab gaariga qabsaday. Isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa 3 qofood oo shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa.

Waxaa dadkii gurmad u fididiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Hada, waxaa socota baaris la xariira sababta, wixii ku soo kordhana dib ayaan ummadda ula wadaagidoonaa”.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON