Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin laga bixiyay howgal lagu soo qabtay dhalinyaro lagu tuhmay Alshabaab duleedka Muqdisho

Wasaaradda Ammaanka ayaa faahfaahin ka bixisay howgal ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay ka fuliyeen Degaanada Garasbaaleey iyo KM 13 ayaa waxaana afhayeenka wasaaradda Amniga uu sheegay inay ahaayeen howlgalladii maanta ku xiriir ah oo qarsoon.

ciidamada_Alfa_Group_Baaritaan

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan  ayaa sheegay in baaritaanku  ahaa mid Qorsheysan oo ciidamada NISA ay  gacan siinayeen Dadka Degaanka, laguna soo qabqabtay dhalinyaro lagu tuhunsan yahay inay Xarakada Al-shabaab ka tirsan yihiin. Dhalinyaradaas oo aanu cadadkood sheegin ayuu afhayeen sheegayin baaris lagu hayo oo ciddii ay ku caddaato shabaabnimo sharciga la geyn doono.

Howgallada ka dhacay degaanda duleedka magaalada Muqdisho ayaa ahaa muddooyinkii danbe kuwo joogto ah, waxaana mararka qaarkod ka qeyb qaata madaxda ciidamada sida taliyaha ciidamada nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON