Monday, July 14, 2025

Faahfaahin laga helay Dagaal culus oo Alshabaab & Ciidamada Dowladda ku dhex maray gobolka Hiiraan

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde, iyadoo dagaalka uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay dib u celiyeen dableydii AlShabaab oo ujeedkoodu ahaa inay qabsadaan degaanka Ceelcadde. Saraakiisha Ciidamada Gobolka Hiiraan ayaa sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen dableydii Alshabaab.

Saraakiisha  ayaa sheegay inay arkeen meydadka Shan ka mida maleeshiyada Shabaabka oo lagu dilay dagaalka, ayna sidoo kale jiraan dhaawacyo ay hore u sii qaateen. Mase jiraan cid xaqiijisay qasaaraha labada dhinac kala gaaray

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON