Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil saaka ka dhacay xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, kaasoo ay geysteen ciidamo ka tirsan dowladda.
Labadan Nin ee la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen burcad dadka ku dhici jirtay degaankasi, waxayna wateen Mooto Dhugdhugley ah, waxayna ciidamda dilka geystay goobta uga tageen meydadka labada nin iyo Mootadii ay wateen.
Waxaa markii dambe goobta gaaray ciidamada Booliska ee degmada Deyniile oo halkaasi ka qaaday meydadkii labada nin. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay muddo raadinayeen labadan nin, kadibna lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay.
Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhay falalka dhaca Mobile-ada, waxaana ka kacday koox burcad ah, wuxuuna falkan dilka ah ee lagu fuliyey labada nin ka mid yahay dagaalka lagula jiro Burcadda.
