Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil naxdin leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii nin hubeysan uu walaalkii toogasho ku dilay.
Falkan ayaa ka dhacay Waaxda Faanoole, degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo ninka hubeysan uu dilay walaalkiis uu dhalay abtigiis, kadib markii ay ku murmeen arrimo maandooriye, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Wararka ayaa intaas ku daraya dilku ka dhashay murmeen deyn ay isku lahaayeen oo ka dhalatay Maandooriye ay isticmaalayeen, labada qof ee ehelka ahaa, waxaana markii danbe dhacday in midkood uu kan kale rasaas ku furo, isagoo ku dhuftay Lix xabadood oo keentay inuu isla goobtii ku geeriyoodo.
Ciidamada amniga ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxayna gacanta ku dhigeen Gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay, basle goobta ka baxsaday, waxayna la wareegeen agabkii guriya yaalay maandooriye lagu diyaarinayey.
Waxaa la baadi goobayaa ninka dilka geystay, iyadoo Meydka qofka la dilay la geeyay Xarunta Dembi baarista CID-da.