Faahfahin dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho maanta ka dhacday Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho oo rag ku hubeysan Bistoolado ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dableyda ayaa gudaha suuqa Bakaaraha ku dilay odey ah oo wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa Dalaaleyda dhulka iyo Guryaha magaalada, waxaan dilkiis geystay laba dhalinyaro ah oo ku weerarray xilli uu ku sugnaa Qeybta Daawadda ee Suuqa Bakaaraha.
Dableyda ayaa falkaasi ka dib goobta ka baxsaday, waxaana gaaray ciidamada Booliska oo aan ku guuleysan inay soo qabtaan dableydaasi dilka geysatay.