Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin laga helay Weerarkii Alshabaab ee Mesegowaay iyo Qasaaraha culus ee ka dhashay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus oo degaanka Mesagowaay ee Gobolka Galgaduud saaka aroortii ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab, iyadoo qasaare xoog leh uu ka dhashay weerarkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada ayaa sheegay inay weerarka Alshabaab iska caabiyeen, ayna qasaare lixaad leh gaarsiiyeen, iyadoo meydadkooda ay daadsan yihiin gudaha iyo duleedka Mesegowaay.

Warka kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka si guul ah u fashiliyeen isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaay.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay. Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale”.” ayaa lagu yiri Warka dowladda federaalka ay faafisay oo sidoo lagu sheegay in Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka lagu dhaawacmay hawlgalkaas.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii Mesagowaay ay cagta ku mariyeen degaankaasi iyo saldhigyadii ciidamada, kuna dileen 73 askari, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 5 Gaari oo 5 ka mida ay yihiin gaadiidka Tiknikada ee Cabdi-bilahaoo ay ku rakiban yihiin qoryaha Dhashiikaha. Alshabaab waxay sheegtay inay weerarkii Mesagowaay ku gubeen 3 gaari.

Waa weerarkii labaad ee Alshabaab ku qaado Mesagowaay, waxaana dadka degaanka laga soo weriyey in dagaalka saaka uu ahaa midkii ugu cuslaa ee halkaasi ka dhaca oo qasaaraha labada dhinac uu badan yahay.

Ma jirto cid dhexdhexaad ah oo xaqiijin karta sheegashada Alshabaab, iyadoo qasaaraha dagaalka ee labada dhinac uu isu bedelay dacaayad dagaal oo warbaahinta la isku mariyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON