Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dagaal xoog leh oo Alshabaab iyo ciidamada dowladda shalay ku dhex maray tuulada Xaaji Cali duledka degmada Caddale, Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalkan ayaa ahaa mid faraha looga gubtay oo dhowr jeer la isku laabtay, waxaana la sheegay in markii hore Alshabaab ay la wareegeen saldhigga ciidamada ee Xaaji Cali, kadibna ay soo rogaal celiyeen ciidamada dowladda oo dagaal culus uu dhex maray labada dhinac.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa kii ugu weynaa ee degaankaasi ka dhaca, waxaana qasaaraha lagu sheegay in lagu dilay 6 ka mida ciidamada dowladda oo uu ku jiro taliye magaciisa lagu sheegay C/kariin Hilowle iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Axmadeey.
Dhinaca Alshabaab ayuu gaaray qasaaraha ugu weyn iyadoo laga dilay 19 maleeshiyo, iyadoo dhaawacuna intaas ka badan yahay. Saraakiisha Milateriga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay qasaare baaxad leh gaarsiiyeen Alshabaab ayna ka dileen 16, halka 26 kale ay dhaawaceen.
Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay dagaalka ku dishay saraakiil iyo ciidamo ayna cagta marisay saldhigga, iyado qabsatay laba gaari oo Cabdi Bile ah iyo saanad milateri oo fara badan.
Taliyaha Guutada 27-aad ee ciidamada dowladda Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in la iska caabiyey weerarkii Alshabaab, lagana war hayey dhaqdhaqaaqooda, ayna uga hortageen meel 5KM u jirta Xaaji Cali.