Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Madaafiic lagu weerarray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho & Alshabaab oo War kasoo saartay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaafiic Hoobiyeyal ah lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ilaa Afar madfac ayaa laga maqlay magaalada, waxaana la sheegay inay ku dhaceen Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde iyo Xalane oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, Xarunta Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo safaaradaha reer galbeedka.

Wararka ayaa sheegaya inay ilaa 2 qof ku dhaawacmeen saddex madfac oo ku dhacay Gudaha Garoonka iyo bannaankiisa, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaaray Gaari, waxaana mas’uuliyadda werarka sheegtay Alshabaab.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo ilaa 9 madfac ay ku beegsadeen, iyadoo Garoonka ay ku dhacday 7 ka mida madaafiicda, halka laba madfac ay ku dhaceen irika garoonka, sida ay shaacisay warbaahinta Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON