Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Madaxweynihii la doortay ee Dalka Masar Maxamed Mursi oo Maxkamad ku dhex geeriyooday..

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida madaxweynihii la doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi oo la shaaciyay inuu ku geeriyooday xabsi ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in Maxamed Mursi xilliga uu dhintay uu ku sugnaa Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira, waxaana geeridiisa kasoo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan waxa sababay.

Ururka Ikhwaanul muslimiin ayaa ku eedeeyay dowladda Masar inay mas’uul ka tahay geerida Maxamed Mursi, kadib markii ay xaaladiisa caafimaad oo liidatay ay wax ka qaban weysay.

Ururka u dooda xuquuqda Insaanka Human Rights Watch ayaa iyaduna dowladda Masar dusha ka saartay geerida madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi, kadib markii ayla tacaali weyday xaaladiisa caafimaad, kuna fashilantay inay xaaladiisa la tacaasho.

Maxamed Mursi ayaa la sheegay inuu ku jiray Maxkamadda markii uu dalbaday inuu hadlo, waxaana uu hadlay muddo 5 daqiiqo ah, iyadoo markaas kadin uu miyir beelay, kadibna dhulka ku dhacay, waxaana isbitaalka dowladda ee la geeyay uu caddeeyay inuu geeriyooday.

Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horeyaay ee si dimoqraadi ah loo doortay ayaa ka tirsanaa ururkii Akhwaanul Muslimiinka ayaa madaxweyne loo doortay sannakdii 2012-ka, hase yeeshee sannad kadib ayaa waxaa xukunka afgambi kala wareegay milatariga oo uu hoggaaminayey wasiirkiisii Gaashaandhigga madaxweynaha xilligan Cabdulfataax Al-Siisi.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday. Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii, wuxuuna muddo 6 sano ah ku jiray xabsiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON