Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Dabley bistoolado ku hubeysnaa ayaa xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid ku dishay nabadoon caan ka ahaa degaankaasi xilli uu salaadii Cishaha kasoo baxayey Masjid uu ku tukaday.

Dilka nabadoonka ayaa waxaa geystay dabley Bistoolado ku hubeysnaa, iyadoo goobta ka baxsaday markii ay dilka geysteen, waxaana nabadoon Xaaji Shaahid Kheyrdoon meydkiisa goobta ka qaaday ehelladiisa.

Ciidamada amniga ayaa markii danbe tegay, iyadoo aan lagu guuleysan in lasoo qabto dadkii dilkaasi geystay, mana jirto cid sheegatay dilkiisa ilaa iminka.

Waxaa soo kordhaya Dilalka khaarijinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho xilli ay taagan tahay xaalad ka dhalatay cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON