Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin: Qarax Bam oo Caawa lagu weeraray Xarunta degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar Bam oo caawa lagu qaaday Xarunta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo loo adeegsaday Bambo gacmeed ayaa ku soo beegmay maqribkii kadib oo halkaasi ay ka socotay munaasanad xaflad quraan akhris ah lagu soo gabagabeyn lahaa, iyadoo uu halkaasi ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah.

Bamka kadib ayaa waxaa rasaas furay ciidamada amniga, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka ku qaaday xarunta degmada Waaberi, iyadoo aan lagu guuleysan in la soo qabto.

Waa markii labaad ee Bam gacmeed lagu weerarro xarunta degmada Waaberi, iyadoo bishii Ramadaan sidoo kale weerar noocan oo kale ah uu ka dhacay xarunta degmada, kasoo uu dhaawac kasoo gaaray hal askri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON