Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Galbta ka dhacay wadada Xoriyadda ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhinay 53 kalena way ku dhaawacmeen, qaraxa ka dhacay Fagaaraha Taksim, sida uu sheegay Duqa magaalada Istanbul Ali Yerlikaya. Qaraxa ayaa dhacay 16:20, xilliga Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaqiijiyey tirada dhimashada iyo dhaawaca qaraxa Istanbul, wuxuuna sheegay inay jiraan caalamado muujinaya in weerarku yahay mid argagixiso oo baaritaan lagu hayo dadkii ka danbeeyay qaraxa oo haweeney ka mid tahay, balse la shaacin doono natiijada.
Waxaa degdeg goobta u gaaray ciidamada Booliska, Kooxaha Caafimaadka, Dab-damisyada iyo denbi baarista Booliska, iyadoo la xiray guud ahaan goobaha u dhow halka qaraxu ka dhacay, dadkana lagu amray inaysan guryahooda kasoo bixin.
Booliska ayaa xiray wadada Xoriyadda, sababo la xiriira suurtagalnimada inuu dhaco qarax labaad, sida ay ku warantay warbaahinta Turkiga. Muuqaalo ay goobta kasoo direen dad goobjoogayaal ah ayaa muujinayay dhaawaca dad wadooyinka daadsanaa iyo meyd.
Dhanka kale Maxkamadda Dambiyada ee Istanbul ee dowladda Turkiga ayaa mamnuucday in la faafiyo muuqaalada qaraxa ama wararka ku saabsan qaraxa, marka laga reebo warark rasmiga ah ee Hay’adaha dowladda Turkiga.
War kasoo baxay Xeer ilaalayaha Istanbul ayaa lagu sheegay in ay fureen baaritaan la xiriira dhacdada. “Qaraxii maanta ka dhacay wadada xoriyadda awgeed, waxaa bilowday baaritaan uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul, shan xeer-ilaaliye ayaa loo magacaabay howshaas” ayaa lagu yiri Qoraalka.
