Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin: Qarax Gaari lagu xiray oo dhimasho iyo dhaawac ka dhaliyey Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xiray gaari yar oo ay wateen saddex qof oo rayid ah.

Qarax ayaaa ka dhacay agagaarka Taallada Xarunta Daljirka Dahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay darawalkii Gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen labadii qof ee la socday iyo laba kale oo goobta ka dhowaa.

Wararka ayaa sheegay in qofka watay ee geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiraay Fu’aad Saleebaan Jaamac ayaa u shaqeyn jiray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna Gaariga ku waday haweeney ay ehel ahaayeen oo maanta ka duuli lahayd Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen  Magaalada Hargeysa, kadib markii arrimo caafimaad loo keenay magaalada Muqdisho.

Hay’adah Amniga dowladda iyo maamulka G/Banaadir ayaan ka hadlin qaraxan oo ka mid kuwii ugu qasaaraha badnaa ee miinooyinka lagu xiro baabuurta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON