Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax gaari ka dhacay magaalada oo maanta xaalad amni ku jirtay.
Qaraxa ayaa ka dhaday Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho oo ah xarinta saraakiisha sare ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari uu watay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Gaariga ayaa qaraxu qabsaday markii uu ka degay sarkaalkii watay isagoo markaas ku jiray Xarunta saraakiisha ciidamada ee Vila Baydhabo, degmada Wadajir, Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inuusan qaraxu geysan wax qasaare ah, sarkaalkii loogu taloglay in lagu khaarijiyana uu ka badbaaday. Gaariga sarkaalka ayaa la soo weriyay inuu burrbur xoog leh soo gaaray.