Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax goor dhoweyd oo caawa ah ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Gaari nooca raaxadda ah oo yar ayaa ku qarxay Isgioyska Dabka oo mashquul badani ka jiray, waxayna wararku sheegayaan in gaariga qarxay in aysan cidna saarneyn, iyadoo laba qof oo saarnaa ay halkaasi ka baxsadeen.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana ay damiyeen gaariga qarxay oo dab qabsaday.
Qof ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa gaariga, iyadoo ciidamada ay xireen goobta qaraxu ka dhacay.