Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin: Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho & Qasaare ka dhashay… [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Gaari oo saakay ka dhacay Xaafadda NBC ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nooca Miinada dhulka la geliyo aya haleelay Gaari noociisu ahaa TOYOTA Hilux oo ay wateen dad shacab ah, kasoo kula qarxay Xaafadda Black Sea, iyadoo wararku sheegayaan inuu Gaarigaasi ay lahayd Jaamacadda SIMAD oo kamid ah Jamaacadaha ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Laba qof oo la socday shaqaalaha Jaamacadda SIMAD ayaa la sheegay in qaraxa say ku dhaawacmeen, iyadoo dhaawacyadooda la sheegay inay yihiin kuwo culus.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu dhaawacii u geeriyooday Mohamed Jeylaani oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD oo qaraxa gaariga loogu xiray dhaawac culus kasoo gaaray

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON