Thursday, June 26, 2025

FAAHFAAHIN: Qarax Gaari oo laga hortegay iyo Is-miidaamiye baxsaday oo la raadinayo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Shineemo Somalia, Wadadda Maka Almukarama.

Gaariga ayaa la sheegay in laga shakiyay, kadibna lagu wargeliyay ciidamada, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada ay xireen goobta, iyadoo uu baxasaday qofkii gaariga waday oo loo maleynayo inuu is-miidaamiye ahaa.

Saddex askari oo ka mida ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ku dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaraxa, iyadoo la fashiliyay gaariga qaraxa ee lala damacsanaa goobo ganacsi oo ku yaalla wadadda Maka Almukarama.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay ka hortageen qarax la doonayay in dad shacab ah lagu laayo, waxaana la baadi goobayaa qofkii Gaariga waday oo orod kaga baxsaday goobta, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa is-miidaamiye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON