Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo xilliga Duhurnimo ee salaadihii Jimcaha maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Bar koontarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada NISA oo u dhow Isgoyska KM4 Wadadda aada Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qof is-miidaamiye ahaa ayaa isku qarxiyey koontaroolka, waxayna wararku sheegayaan inay ciidamada bartaasi ilaalinayey ay rasaas ku rideen markii uu isku dayey inuu galo gudaha, wuxuuna markiiba isku qarxiyey goobtaasi.
Gaadiidka gurmadka ee Aamin ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada saddex askari oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada bartaasi, waxaana la xaqiijiyey inuu ninkii is-miidaamiyey halkaasi ku qur baxay, iyadoo la sheegay in qasaaraha uu koobnaa.