Friday, June 27, 2025

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Degmada Afgooye & Qasaare ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Is-miidaamiyihii Gaari wadayee laga soo buuxiyey walxyaabaha qarxa oo noociisu yahay Homey ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey goob ay deganaayeen ciidamada dowladda  oo canshuurta looga qaado Gaadiidka, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Waxaa qaraxa ku geeriyootey Shan qof , iyadoo in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen. Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab goobta ku sugnaa kuwaasi oo gaadiidkooda meesha lagu canshuurayey.

Gaari loo waday in qaraxa lala beegsado oo ay wateen ciidamo milateri ah ayaa xowli ku maray meesha, isagoo seegay Gaariga wuxuuna ku qarxay goobta oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddan waxayna sheegeen inay la beegsadeen saldhig milateri oo ku yaalla degmada Afgooye, ayna ku dileen askar ka badan 15.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON