Qarixii is-miidaaminta ahaa ee saaka lagu qaaday Baarka Village ee ku dhow guriga Hooyooyinka degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay.
Waxaa xusid mudan in qaraxa uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo dhex fariistay baarka dhexdiisa, kadibna dadkii ku sugnaa Baarka ay ka shakiyeen. Saxafiyiinta qaarkood ayay u suuragashay inay Baarka degdeg uga baxaan baarkaasi.
Qofkii is miidaamiyay ayaa is qarxiyay waxayna goobtu noqotay meel uuro iyo holac ka dhashay, iyadoo isla markiiba ay ku dhinteen laba ruux, waxaana dhaawaca ilaa hadda uu gaarayaa 5 ruux.
Sida ay sheegeen saxafiyiin Baarka Village ku sugnaa waxaa weerarkan loogu talogalay in lagu laayo tirada ugu badan saxafiyiinta halkaas ku sugneyd, waana weerarkiil labaad ee noociisa ah oo isla Baarkan lagu qaado iyadoo qarixii hore lagu dilay 3 saxafi 5 kalena lagu dhaawacay.
Hay’adda NISA ayaa war ay soo dhigtay Twitter-ka waxay ku sheegtay in hal qof oo kaliya uu dhintay, qasaaruhuna aad u yar yahay.
In khasaaraha yaraado waxaa sabab u ahaa iyadoo digniin laga bixiyay gaari banaanka la soo dhigay oo la waayay lahayd, waxaana ka danbeeyya qof laga shakiyay oo dhex fariistay saxafiyiinta, taasoo keentay in saxafiyiintii goobta ku sugneyd ay ka tagaan goobta, wuxuuna markii dambe is qarxiyay ninkaasi.
Goobjooge.com