Wednesday, July 2, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad & Alshabaab oo sheegatay inay ku dishay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laag helayaa qarax lala beegsaday ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku safrayey jidka isku xira Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellda Dhexe.

Qaraxa ayaa haleelay mid ka mida Gaadiidkii ay wareen ciidamada dowladda xilli ay marayeen Degaanka Sayga ee duleedka Waqooyi ee degmada Balcad, iyadoo lasoo weriyey inuu qaraxaasi dhaiyey dhaawaca lix askari oo qaar ka mida xaaladoodu culus tahay.

Ciidamo kale oo gurmad ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaasoo soo qaaday dhaawacyada ciidamada Qaraxa lala beegsaday. Alshabaab ayaa sheegatay inay qara ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda, kuna dhaawaceen 8 akle kadib miino lagu qarxiyey Gaari Cabdi Bille ah, duleedka degmada Balcad, gaar ahaan deegaanka Gololeey.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa la sheegay in ay gurmad ahaan ugu bexeen deegaanka Sayga kaasi oo lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Alshabaab ayaa degaanka uu qaraxa ka dhacay hore uga geysatay weerarro iyo qaraxyo lala beegsaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana lagu dilay askar iyo mas’uuiyiin badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON