Qarax ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi uu haleelay gaari marayay degaanka KM 13 ee duleedka magaalada.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qarax uu haleelay Gaari Hilux ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen laba qof shacab ah oo halkaasi ka ag dhowaa, waxaana la dhigay Isbitaalka Albirri oo goobtaasi ka dhowaa.
Ma cadda cidda qaraxa lala beegsaday, waxaana la sheegay in gaariga qaraxa loola dan lahaa aanay waxba gaarin. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Kalkaal iyo Albiri, degaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho.