Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.
Qaraxa ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana la dhigay goob Garaash ah oo ka tirsan Xaafadda Wadajir ee magaalada Marko, iyadoo aanay cidna wax ku noqon qaraxa, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada Amniga Magaalada Marka ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo aan cidna lagu soo qaban howlgallo baaritaan ah oo ay qaadeen qaraxa kadib.
Magaalada Marko ayaa nabad ahayd in badan, iyadoo muddooyikii danbe ay qaraxyo kooban ka bilowdeen gudaha magaalada, waxaana jira cabsi dadku ka qabaan inay xubno Alshabaab ka tirsan oo shacab ah gudaha ugu jiraan.
Wararkii ugu danbeeyay aya sheegeya in xalaadda magaalada ay degan tahay, ayna ciidamda amniga soo gabagabeeyeen baaritaankii qaraxa.
