Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga heayaa qarax ka dhacay Isgoyska Macallin Nuur, agagaarka Ex. Kontrol Afgooye ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geystay ahaa Qof is-miidaamiye ahaa, halka warar kale sheegeen inay ahayd Miino goobta la dhigay oo ku qarxday qof Kalluun kui iibinayey halkaasi, waxaana ku dhintay qofka is qarxiyey oo jirkiisa lagu arkay goobta.
Qaraxa ayaa dhacay xilli ay ciidamo milateri ah halkaas ka gudbayeen oo Isbaaradda dhagaxa laga qaadayey, waxaana la sheegay inay dhaawacyo gaareen qaar ka mida askarta.
Dhinaca kale qaraxa ayey waxyeelo kasoo gaaray Gaari BL ah oo ku socday degmada Afgooye, kaasoo 7 qof oo la socday ay ku dhaawacmeen, waxaana xaaladiisu darneyd qof ka mida rakaabta, kaasoo la sheegay inuu markii danbe dhintay waxaana ka badbaaday darawalka.
Ciidamada saldhiga Dharkeynley ayaa tegay goobta qaraxa ka dhacay, waxaana la xiray goobta, iyadoo halkaas lagu arkayey jirka qeybo ka mida qofka isa qarxiyey. Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax war ah kasoo saarin falka qaraxa ee qasaaraa dhaliyey.
