Faahfahain dheeraad aha ayaa laga helaty qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanka garasbaalley.
Qaraxa yaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kadib markii qaraxa uu qabsaday Mooto ay dad shacab ah, la socdeen, waxaana goobta markaas ka gudbay Gari ay ay leeyihiin ciidmaada dowladda.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la socday Mootada, waxaana waxaana la sheegay inay ku socdeen degmada Afgooye, Gobolka Sh/Hoose.
Waxaa goobta qaraxa gaaray ciidamada amniga, iyadoo meydadka dadkii geeriyooday goobta ka qaaday.
