Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Qasaare ka dhashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax miino oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada Ceel-Qalow ee agagaarka Isgoysyada Dan-Wadaagaha, degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaas oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo halkaasi ku leh Goob lagu hubiyo Lacagaha Billaha ah uga qaado Mooto  Bajaajta.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhaliyey dhaawaca saddex ka tirsan ciidamada lala beegsaday, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho. Qaar ka mida askarta ayaa dhaawacoodu ahaa mid culus.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino, hayeeshee inta badan qaraxysdaas noocaas oo kale ah sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo taageera.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON