Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Qarax ka dhacay Wadadda Maka Almukarama, agagaaarka Hotel Dayax oo u dhow isgoyska Sayidka.
Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Hotel Dayax, iyadoo loo adeegsaday waxyaabo qarxa oo lagu soo qariyey Bac, taasoo la dhigay Wadadda dhinaceeda, waxaana lala beegsaday Gaari la sheegay inuu la socday Senator Cusmaan Xaaji Maxamuud (Dufle).
Dr. Dufle ayaa ka badbaaday qaraxa lala damacsanaa, iyadoo la xaqiijiyey inaysan wa dhibaato ah kasoo gaarin, waxaase ku dhaawacmay laba ka mida ilaaladii la socotay.
Dr, Dufle ayaa farriintan soo dhigay bartiisa FB. “Caawa abaarihii 7:00 fiidnimo oo wax yar dhiman ayaa anigoo la socday gaarigayga waxaa uu qarax nagu qabsaday wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhexeysa Hotel Dayax iyo Sayidka.ILAAHAY mahadiis waan ka badbaaday, waana bad qabaa hadda, balse nasiib daro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidankii ila socday, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg siiyo..”
Waa qaraxii labaad ee 24 gudahood lala beegsado mas’uul ka tirsan dowladda iyadoo xalay qarax kan la mida lala beeegsaday Wasiirka Shaqada xukuumadda Soomaaliya.
Hal qof ayaa la sheegay inuu qaraxa ku dhaawacmay, waxaana ciidamada Amniga ayaa xireen agagaarka goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo Hay’adaha Amniga aysanweli ka hadlin.
