Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax caawa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Dan-wadaagta.
Qarax oo ahaa Miino waxyaabo qarxa oo Jawaan lagu soo qariyay, lana dhigay Masjid iyadoo loola dan lahaa guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga ee degmada Wadajir Abuukar Sheekh Axmed Cadow, iyadoo lagu qarxiyay markii ay ka soo baxeen masjidka.
Guddoomiye ku xigeenka loola dan lahaa qaraxa ayaa la sheegay inuu ka badbaaday iyadoo dhaawac uu kasoo gaaray mid ka mida ilaaladiisa halka uu waxyeelo u geystay gaarigiisa.