Saturday, July 5, 2025

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lala beegsaday Ciidamada AMISOM

Qarax miino ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kaasoo lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Dadka degaanka ayaa sheegay inuu qaraxa haleelay gaari ay wateen ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM, xilli ay marayeen Jidka Jamhuuriya agagaarka Masjidka Turkiga, waxaana la sheegay inuu qasaare kasoo gaaray ciidamada, taasoo keentay inay rasaas furaan, isla markaana jidkaasi uu xirmo in muddo ah.

Dhowr qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas fara badan oo ay fureen ciidamada AMISO, waxaana waxyeelo soo gaartay Gaadiid ay dadkaasi wateen; waxaana muddo kadib u furay wadadda markii ay ka tageen ciidamada oo ku socday saldhigga duleedka Muqdisho ee Maslax.

Waa markii labaad ee ciidamada AMISOM lagu qarxiyo degaanka Jamhuuriya oo ay gaadiidu u maraan, kadib markii ay xirantay wadaddii Fagax ilaa Ex. Kontrol Balcad.

Image may contain: outdoor
Image may contain: car, sky and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON