Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xooggan xilli dambe xalay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gbolka Sh/Dhexe.
Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socdy Co. Saneey Cabdulle Gaab oo ka mida saraakiisha Milateriga ciidamada dowladda ee Gobolka Sh/dhexe, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii ciidamadii Badbaado Qaran.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa geystay qasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 12 askari oo ka mida ciidamadii galbinayey Col. Saney, balse uu isagu ka badbaaday.
Sarkaalkan ayaa ku socday magaalada Jowhar, si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladasi.
Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa oo ay la beegsaday korneyl Saneey Cabdulle, waxayna intaas ku dartay inuu si dirqi ah uga badbaaday, balse lagu laayey 14 askari oo ilaalo u ahayd.