Wararka laga helayo magaalada Magaalada Boosaaso ayaa sheegayaan inuu halkaasi ay ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa.
Duhurnimadii ayaa mar kaliya laga maqlay magaalada Boosaaso qarax aad u culus, waxaana qaraxa uu ka dhashay qof bam ku waday Gaari-gacan. Ninka ayaa isku dayay inuu Gaari-gacanka la galo saldhigga bartamaha ee Bosaso, waxaana la sheegay markii la joojiyay uu is qarxiyey.
Qofka qarax waday ayaa ku geeriyooday qaraxa iyo dhaawaca 5 qof oo goobta ka dhowaa, iyadoo aanu geysan qasaare kale, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso. Waxaana goobta gaaray ciidamo fara badan oo baaritaan ka bilaaby goobta qaraxa kadhacay.
SAWIRRO NAXDIN LEH