Tuesday, July 15, 2025

Faahfaahin: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax qasaare geystay oo ka dhacay KM 13 ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Gaadid ay wateen ciidamada MIlateriga Soomaaliya ayaa waxaa haleelay qaraxa Miinada iyagoo ku socdaalayey inta u dhaxeysa degaanada Weydoow iyo KM 13, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, iyadoo lasoo weriyey qasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamadii la socday gaariga uu haleelay qaraxa.

Ciidamada dowladda ee qaraxa qabsaday ayaa la sheegay inay fureen rasaas qaraxa kadib, ayna waxyeelo kasoo gaartay dad Shacab ah.

Alshabaab ayaa inta badan geysata qaraxyada loo dhigo mas’uuliyiinta iyo ciidamada ku socdaalaya wadadda isku xirta Muqdisho iyo gobollada koonfureed ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON