Qarax miino ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, kaasoo lala beegsaday shaqaalaha nadaafadda Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino lagu diyaariyey jawaan qashinka lagu daray ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee degmada Hodon, waxaana ku dhintay qof oo ka mida shaqaalaha Dowlada Hoose ee Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.
Ujeedadada qaraxa ayaan la ogeyn in loogu talogalay shaqaalaha nadaafadda iyo in loola dan lahaa gaadiid kale oo wadaddaasi isticmaala, laakiin qaraxa ayaa laga maqlay degaamo ka mida degmooyinka Muqdisho, iyadoo dadkii qasaaraha kasoo gaaray ay halkasi ka qaadeen gaadiidka gurmadka degdega ah.