Wednesday, July 2, 2025

Faahfaahin: Qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax weyn uu ka dhacay caasimadda, gaar ahaan xero ay leeyihiin ciidamada Milatariga oo ku taalla agagaarka Garoonka Muqdisho iyo Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Wardhiigley.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa, kaasoo uu waday qof is-miidaamiye ah, iyadoo lagu weerarray Xerada guuto ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka taasoo ku taalla agagaarka Garoonka Stadio Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ee ayaa sheegaya inuu qaraxa geysatay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta gaaray gaadiidka gargaarka degdegga ah.

Dhimashada ayaa la sheegay inay gaartay 8, hala dhaawaca uu ka badan yahay 12 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON