Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo caawa ka dhacay degmada Xamarjajab.
Qaraxa ayaa la sheegay in loola dan lahaa shaqaale u shaqeeya hay’ada NGO maxali ah oo lagu magacaabo Xasan Shire sida ay ku waramayaan ciidamada Booliska.
Gaariga qarxay ayaa halkaasi ku bas beelay kadib markii uu dab ka kacay waxaana goobta tegay ciidamada dowladda oo baaritaano ka sameeyay, mana jirto cid wax ku noqotay qaraxa oo noqday mid laga badbaaday.
Goobjooge.com