Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta Duhurkii ka dhacay Maqaayad ku taalla afka hore Dugsiga Sare ee Booliska, degmada Xamar jajab ee magaalada Muqidsho.
Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiye ahaa ayaa ka dhacay maqaayada oo ku taalla barxada Akadeedmiyada xilligii Qadada oo maqaayadu ay mashquulka ahayd, waxaana ka dhashay qaraxa qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Xogta la helay ayaa sheegeysai nay qarax ku dhinteen in ka badan 7 qof, dhaawacuna ka abdan yahay 10 kale, waxaana ka mida saraakiil iyo ciidamo Boolis ah. Goobta qaraxa ayaa la xiray iyadoo qaraxyada ay ku soo noqnoqdeen halkaasi.
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Saadaq Doodisho ayaa sheegay in qof is-miidaamiye ahaa uu isku qarxiyay Maqaayad ay ku sugnaayeen dad u badan Shacab, ayna ku geeriyoodeen Lix Ruux oo uu ku jiro qofkii is qarxiyay halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo lagu daweynayo Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.




