Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Qasaaraha ka dhashay Askar lagu Qarxiyey Duleedka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ay kasooo baxaysa Askar lagu qarxiyey agagaarka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaari ay wateen ciidamada dowladda ayaa lagu qarxiyey Miino dhulka la geliyay, taasoo dhalisay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen saddex askari oo saarnaa gaarigaa, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo kale.

Qaraxa oo ahaa mid xoog leh ayaa haleelay gaari nooca Cabdi Billaha ah xilli uu xowli ku mareyay degaankaasi, waxaana burbur xoog leh kasoo gaaray qaraxa.

Qaraxyada Miinada ayaa si weyn u kordhay muddooyinkii danbe, iyadoo dhowaan degaanka dhanaane ay Alshabaab ku dhisay laba jeneraal oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON