Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qasaaraha dagaal culus oo shalay duleedka degaanka Yaaqbariweyne ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamo AMISOM ah, waxaana la sheegay in 11 qof oo kuwii dagaalamayay ah.
Wararka ayaa sheegaya in 3 baabuur lagu gubay dagaalkaasi, iyadoo dhaawac fara badan uu jiro. Alshabaab ayaa sheegtay inay gubeen 6 baabuur oo laba ka mida ay yihiin booyado iyo mid rasaas siday sida uu sheegay afhayeenka howlgallada Alshabaab.
Dagaalka waxaa ka qeyb qaatay ciidamada Itoobiya, waxaana uu ahaa mid ilaa saddex jeer miinooyin ku qarxeen kolonyada ciidamada AMISOM ee Uganda iyo kuwa Itoobiya oo Kolonyo balaaran u galbinayay magaalada Baydhaba.
Goobihii dagaalka ka dhacay ayaa la sheegay inay ciidamo badan tageen iyadoo gawaaridii la gubay looga tegay goobta, waxayna labada dhinac kala sheegayaan guulo.
Alshabaab ayaa sii kordhisay dagaalka ay ka wado Koonfurta Soomaaliya iyadoo hadda u muuqata in dhulka balaaran ee ay gacanta ku hayaan AMISOM uu dhibaato ku noqday sidii loo sugi lahaa ammaankiisa.
Goobjooge.com