Saturday, April 20, 2024

Faahfaahin: Sarkaal ka tirsan Booliska & Askari lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqidsho, kaasoo lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu xiray Gaari yar oo nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska, kaasoo ku qarxay agagaarka Hotel-ka Muna ee u dhow guriga Hooyooyinka, waxaana burbur xoog leh uu gaaray gaariga.

Sarkaalka Booliska ee qaraxa lala beegsaday ee lagu dilay ayaa agu magacaabi jiray C/Shakuur Xuseen Cabdi Dhicisow (Jaabiri), oo ka tirsanaa Booliska G/Banaadir, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay qof la socday sarkaalka, waxaana ku dhaawacmay askari ilaalo u ahaa.

Ad

Miinooyinka dhulka la dhigo iyo kuwa lagu xiro Gawaarida ayaa ku soo batay magaalada Muqdisho iyadoo dhowaan uu sarkaal kale oo Boolis ah ka badbaaday laba qarax oo toddobaad gudihiis lala beegsaday Gaari uu watay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON