Weerar gaadmo ah oo kooxda Alshabaab ku qaadeen ciidamo milateri ah oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Weerarkan ayaa ka dhacay goobta loo yaqaan Haanta oo duleedka degmada Balcad ku taalla oo ah kala wareeg ay Alshabaab weerarro dhuumasho ah ka geystaan, wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabaa G/Dhexe Maxamed Raage, oo ka tirsan Guutada milateriga ee ka howlgasha gobolka Sh/Dhexe, isagoo la socday gaariga Cabdi bilaha ah ee ay weerarka gaadmada ah ku qaadeen Alshabaab, waxaa kaloo la sheegay in laba askari oo kale ay ku dhinteen.
Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada ay ku qaadeyso ciidamada isaga goosha degmooyinka Balcad iyo Jowhar, iyadoo jidkaasi aysan adeegsan madaxda Hirshabeelle oo diyaarado u raaca Muqdisho iyo Jowhar.