Sunday, June 29, 2025

Faahfaahin: Shaqaalaha Diyaaradda Turkish Airlines iyo Rakaab Somali ah oo dagaal dhex maray..

Taliska Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal gacan-ka-hadal ah oo shalay ku dhex maray shaqaalaha diyaaradda Turkish Airlines iyo Rakaab Soomaali ahaa oo laga keenay Turkiga.

Diyaaradda oo shalay subaxnimadii 10:15 kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay Afhayeenka Booliska in lagu soo wargeliyey gacan-ka-hadal dhex maray Soomaali rakaab ah iyo shaqaalaha Diyaaradda Turiskh Airlines.

Booliska ayaa xiray 5 rag Soomaali ah oo lagu eedeeyay dagaalka iyo inay dhaawac ay gaarsiiyeen qof ka mida shaqalaaha Diyaaradda oo isna la geeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho, xalaadiisuna ay fiican tahay sida uu sheegay afhayeenka Booliska C/fataax Aadan Xasan.

Shaqaaqadan oo shalay garoonka Muqdisho laga soo weriyey ayaa Booliska uu sheegay inay gacanta ku hayaan, sharcigana la marsiin doono ragga Soomaalida ah ee gacanta ula tegay shaqaalaha Diyaaradda Turkish Airlines.

Lama shaacin sababta dagaalka dhalisay, waxayse wararka qaar sheegayaan in Soomaalida falkan ku lug lahayd laga soo celiyey dalka Turkiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON