Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Taliyaha ciidamada Kumaandooska ee Danab oo ka badbaaday laba Qarax oo lala beegsaday Kolonyo uu la socday

Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa qirtay in taliyahooda uu ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa oo ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka ciidamada DANAB Mowliid Axmed Xasan ayaa sheegay in 2-dii bishan Oktoobar 2019 laba qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socdau taliyaha ciidamada Danab oo ka koobneyd dhowr Gaari, iyadoo qaraxa hor uu qabsaday gaari, danbe, kadibna qaraxa labaad uu haleeley gaarigii ugu horeeyay ee kolonyada, balse uu ka badbaaday taliyaha ciidamada Danab C/raxmaan Cumar Warsame (Jeeniqaar).

Afhayeenka Danab ayaa qirtay in 3 ka mida ciidamada la socday Kolonyada ay ka geeriyoodeen, qaar kalena dhaawacyo kasoo gaareen, isagoo beeniyay Warka kasoo baxay Alshabaab ee ah inay laayeen saraakiil uu ku jiray Taliyaha Danab Jeeniqaar, iyadoo uu xaqiijiyey inuu qaraxyada ku dhintay sarkaalka caanka ahaa ee Danab Maxamed Yare.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxyada ay la beegsaday hoggaanka ciidamada Danab oo ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ay ku dileen 16 askari ayna ku dhaawaceen 15 kale. Weerarka ayaa yimid maalmo yar kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen saldhigga Balidoogle oo la sheegay inaysan cidna ka fiigin maleeshiyadii weerartay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON