Wararka laga helayo saraakiisha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi.
Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Hay’adda NISA Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo warar kala duwan ayaa kasoo baxayaan sababaha ka danbeysay xarigiisaa.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in Gaari uu lahaa uu ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isagoo ka badbaaday qaraxaasi wax yar uga badbaaday.
Xariga Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka Hay’adda NISA ayaa weli waxaan ka hadlin Hay’adda NISA, wuxuuna qeyb ka yahay mas’uuliyiin kala duwan oo dhowaanahan intooda badan loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq.