Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen bar ay ciidamda ku leeyihiin degmada Afgooye, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Weerarkan aya waxaa iska caabiyey ciidamada dowladdda ee ku sugan degmada Afgooye, waxaana rasaas ay labada dhinac isweydaarsadeen qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale, iyagoo markii dambe ay dableydii Alshabaab isaga baxeen magaalada.
Taliyaha ciidamada Booliska degmaa Cabdi Dheere ayaa sheegay in weerarka Alshabaab laga hortegay, isla markaana ay ciidamada howlgal ka wadaan xaafadaha degmadaasi.