Ciidamada Danab ee kumaandooska Somalia iyo ciidamo Mareykan ah oo wehliya ayaa xalay weerar ku qaaday xarun ay kooxda Alshabaab ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Weerarkan oo ahaa mid ay ka qeyb qaateen diyaarado ayaa lagu beegsaday xarunta Alshabaab e degaanka Basra oo ah goob ay ka maamulaan canshuurta ay ka qaadaan gaadiidka isticmaala Wadadda Balcad iyo Jowhar, una ah fariisin weyn.
Qoraal ay Hay’adda NISA shaacisay ayaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad, lagu dilay 6 Xubnood oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay Sarkaalkii hoggaamineysay.
Ma jiro war kasoo baxay Alshabaab oo ku saabsan weerarka lagu qaadya xaruntooda degaanka Basra, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay dagaalka xalay uu ahaa mid muddo socday oo si weyn loo qorsheeyay, waxaana maanta ay Alshabaab banneeyeen degaankaasi.