Weerarro dhaliyey qasaare isugu jira dhimaho iyo dhaawac ayaa maanta hareeyay xarunta maamulka Hirshabelle ee magaalada Jowhar iyo duleedkeeda, markii Maleeshiyo iyo Alshabaab ay kula dagaalameen ciidamadad owladda iyo kuwaa maamulka Hirshabeelle.
Dagaalka hore ayaa ka qarxay dhinaca Galbeed ee gudaha magaalada Jowhar, markii a weerar gaadmo ah u qaadeen maleeshiyo Macawisley ah oo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Meyre Makaraan uu sheegay in inay soo weerareen ciidamada maamulka Hirshabeelle oo ku sugnaa Jowhar.
Dagaalkaasi oo magaalada khalkhal geliyey ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaalada madaxweynaha Hirshabeelle iyo qaar ka mida maleeshiyadii weerarka soo qaadday oo markii danbe isga baxay magaalada.
Weerarka ayaa yimid, sida uu sheegay Dh/Dhexe inay maleeshiyadaasi doonayeen inay soo furtaan rag ka tirsan oo maaamulka Hirshabeelle u xiran. “Magaalada maanta waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo dhulkaan baabuurta ku dhici jiray oo dadka dhibaatayn jiray, maalin hore ayaa laga xiray dad ayaga ka mid ah oo dhibaato ku hayey bulshada, marka nimankii mooryaanta ahaa ayaa yiri waxaan soo daysanaynaa nimankii nala ka xiray, sidaas ayayna magaalada weerar ugu soo qaadeen” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Dhinaca kale waxaa qarax miino ayaa sababay inuu dhinto taliyaha ilaalada guddoomiyaha SH/Dhexe, kadib marki Gaari uu watay ay la qaraxay miino, isagoo gurmad u ahaa Kolonyada ayaa ku sii jeeday degaanka Qoordheere oo ay weerar ku qaadeen Alshabaab.
Dagaalladii maanta waxay Hirshabeelle ku weysay taliye Dhicisow Maxamed iyo Mas’uul ka tirsanaa iyo Madaxtooyada Hirshabelle Cali Goodaad iyo 3 askari oo kale, waxaana jira dhaawacyo, halka maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay gaareen qasaare aan la shaacin.
Wararka ayaa sheegaya in guud ahaan qasaaraha dagaalka uu gaarayo ku dhowaad 10 qof, dhaawacyna ka badan yahay 15, waxaana gelibkii dambe ee maanta deganaa xaaladda Jowhar.
