Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Weerarro culus oo Alshabaab ku qaadeen Saldhiga Saniini iyo Degmada Qoryooley…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro culus oo maleeshiyada Alshabaab saaka ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Ceel-saniini iyo degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.

Weerarka Ceel-saniini ayaa ku bilowday Gaari uu waday qof is-miidaamiye ah, waxaana kadib dhowr jiho weerar uga soo qaaday maleeshiyada Alshabaab oo dagaal culus la galay ciidamada dowladda, iyadoo Alshabaab ay sheegtay inay la wareegtay sladhigga kuna dishay askar badan.

Dhinaca kale weerar kale ayey isla xilligaas ku qaadeen Alshabaab degmada Qoryooley, waxaana lagu bilaabay laba gaari oo qaraxyo waday, markaas kadibna waxaa dagaal culus dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo maleeshiyada Alshabaab.

Alshabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen inta badan xaafadaha degmada Qoryooley ayna qasaare badan u geysteen ciidamada dowladda, iyagoo qabsadan hub iyo saanad, sida lagu sheegay War kasoo baxay Alshabaab oo intaas ku daray in dadka degmada ay muxaadaro u jeediyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa dhinaciia sheegay inay Ciidamada Dowladda ee degmada Qoryooley ka hortageen weerar loo adeegsaday Gaari qarax sidey oo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen inay qaraxaasi ku bur buriyaan Buundada degmada Qoryooleey si isku socodka dadka iyo Gaadiidka u istaagaan,waxaana uu sheegay in dagaalka lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray qaraxa lala raba in lagu burburiyo buundada degmada Qoryooley.

Dagaalka ayuu sheegay in xubno badan looga dilay Alshabaab, iyadoo la hayo saddex meyd ah oo ay ka cararreeen sida uu yiri, isagoo bogaadiyey sida ciidamada degmada isaga difaaceen weerarka Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON